Warar dheeraad ah ayaa waxey ka soo baxayaa khasaaraha ka dhashay Qarax ismiidaamin ahaa oo ka dhacay nawaaxiga Hoteelka Naasahablood ee Magaalada Muqdisho.
Ugu yaraan 10 Ruux ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhiteen Qaraxa 1-aad oo ka dhacay banaanka hoteelka Naasahablood ee Degmada Xamarweyne ee Magaalada Muqdisho.
Saraakiisha Amaanka ayaa sidoo kale waxey sheegeen in Xildhibaan hore uga tirsanaa Baarlamaanka Soomaaliya uu ku jiray Dadkii ku dhintay Qaraxaasi.
Qaraxa labaad ayaa isna lagu soo waramayaa in uu ka dhacay nawaaxiga Taallada Daljirka Daahsoon ee Magaalada Muqdisho.
BREAKING: Somalia’s #AlShabaab claims twin bomb explosions, leaving 10 people dead in #Mogadishu pic.twitter.com/WL84mxlw5T
— Live From Somalia (@Tuuryare_Africa) October 28, 2017