Maamulka Koonfur Galbeed ayaa Faahfaahin ka bixiyay Mas’uuliyiintii kaga dhimatay Qaraxii shalay Gelinkii dambe lagu qaaday Hoteelka Naasa Hablood 2 ee degmada Xamarweyne ee Muqdisho.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga Koonfur Galbeed Cabdirisaaq Cali Aadan oo la hadlay Idaacadda Risaala ee Muqdisho ayaa sheegay in Qaraxaasi ay ku dhinteen Mas’uuliyiin ka tirsan Koonfur Galbeed.
Waxaa uu sheegay in Qaraxaasi uu ku dhintay Wasiirka Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed, Madoobe Nuunow Maxamed.
Waxaa uu tilmaamay in sidoo kale waxyeelo ay kasoo gaartay qoyska Wasiir dowlaha howlaha Guud.
In ka badan 20 qof ayaa ku dhimatay Weerarkii iyo Qaraxii Al-Shabaab ay ku qaadeen Hoteelka Naasa Hablood 2 ee degmada Xamarweyne.