TOP NEWS:- Xildhibaanada Baarlamaanka oo maanta yeelanaya kulan, Maxaa looga hadlayaa?

0

Sida uu qorshaha uu yahay Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah waxa ay kulan ku yeelanayaan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Kulanka waxaa shir guddoomin doona Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya C/wali Ibraahim Muudey.

Xildhibaanada ayaa xalay lagu soo wargeliyay Ajandaha Kulanka maanta inuu yahay Akhrinta Koowaad ee Hindise Sharciyeedka Batroolka oo ay soo diyaarisay Wasaarada Batroolka iyo Macdanta ee Xukuumada Soomaaliya.

Wasiirka Wasaarada Batroolka iyo Macdanta ee Xukuumada Soomaaliya ayaa Xildhibaanada ka hor aqrin doono hindise sharciyeedka batroolka, iyada oo sidoo kale Wasiirka uu sharaxaad ka bixin doono ahmiyada sharcigan iyo sida ay Wasaaradiisa u soo diyaarisay.

Akhrinta ka dib ayaa Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxa ay talooyinkooda ku dari doonaan sharcigaan iyo sida ay u arkaan.

Ciidamada Booliska ayaa sidii caadada aheyd waxa ay xireen wadada horumarta xarunta Golaha Shacabka, waxaana loo diidayaa inay halkaasi maraan gaadiidka rayidka iyo Mootooyinka Bajaajta.