Xildhibaan hore Cawad Axmed Cashara ayaa ku geeriyooday Dalka Canada ,halkaas oo uu degganaa,waxaa uu xubin ka soo nqoday Baarlamaanka Dowladdii KMG ahayd ee Cabdullahi Yusuf Axmed.
Sidoo kale waxaa uu ka mid ahaa aas aasayaasha Maamulka Puntland,waxaanna markii ugu horreysay uu ka noqday Wasiirka warfaafinta Maamulkaas.
Waxaa uu ahaa shaqsi u ololeyn jiray midnimada Soomaalida,waxaana lagu xusuustaa doodaha uu ka qeybgeli jiray ee dhinaca siyaasadda.