Muqdisho (AGGM): Wararka naga soo gaaraya xarunta Villa Somalia ayaa waxa ay sheegayaan Xiliga kama dambeysta ah ee lagu dhawaaqaayo Ra’isul Wasaaraha Cusub ee Dalka.
Illa wareedyo ku sugan Villa Somalia, oo la soo xiriiray warbaahinta Allgalgaduud Media iyaga oo ka gaabsaday magacooda in la shaaciyo, ayaa waxa ay sheegayaan in laga soo xigtay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Xasan Sheekh uu ku howlan yahay ku dhawaaqida Ra’isul wasaaraha Cusub ee Soomaaliya, waxa ayna illa wareedku sheegayaan in uu diyaar yahay shaqsiga qaban lahaa xilkaas.
Sidoo kale, Illa wareedka ayaa tilmaamaayo in Madaxweynaha uu Ra’isul wasaaraha Cusub kusii diyaariyay Xarunta Madaxtooyada, iyadoona ay halkaasi kulamo kala duwan kula qaadanayaan Madaxda Dowladda si uu uga soo baxo howlihii loo idmaday.
R/wasaaraha Cusub ayaa lagu dhawaaqi doona kama dambeys khamiista 5 ilaa 20-ka Bishan waxaana iminka socda qaabka loogu dhawaaqi lahaa Mas’uulkaasi, iyadoo dad badan oo hada faraxsan caro galin doonta, halka kuwa hada careeysana ay ku farxi doonaan.
Isku soo wada duuboo ilaa hada si toos ah weli looma shaacin goorta iyo goobta, balse warar naga soo gaaraya ayaa sheegaya in Madaxweynaha uu si deg deg ah kusoo magacaayo R/Waasaraha Cusub maadaama uu horay ulla soo daahay Magacaabida R/Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com