Hay’adda Cilmi baarista ee Heritage ayaa rajo wanaagsan ka muujisay in natiijo wax ku ool ah ay kasoo baxdo shirka magaalada Muqdisho uga socda dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada dalka.
C/rashiid Khaliif, agaasimaha hay’addaasi ayaa sheegay in wax wanaagsan ay tahay in wax walbo oo la kala tabanayo la isugu yimaado miiska wadahadalka.
Waxa uu sheegay agaasimaha iney wanaagsan tahay shirkaasi lagu soo daro cid walbo oo ay quseyso ajendaha shirka, sida arrimaha Dastuurka, doorashada iyo wixii lamid ah.
Arrinta ugu weyn ee in laga heshiiyo mudan ayuu sheegay iney tahay siyaasadda, kadibna ay is furfuri doonaan wax walbo, sida amniga iyo wixii la mid ah.
Magaalada Muqdisho waxaa ka soconaya shirka dowladda dhexe iyo madaxda maamul goboleedyada, waxaana looga hadlayaa arrimo badan oo muhiim ah.
HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO