Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Puntland ayaa Barqanimadii maanta rasaas xoogan ku furay boqolaal dadweyne ah oo dibadbaxyo ka dhigayay Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.
Waxaana rasaastaasi ku dhintay 1 Qof , iyadoo ay ku dhaawacmeen 3 kale oo shacab ahaa, sida ay xaqiijiyeen Ilo dedeegaanka ah.
Dibadbaxayaasha ayaa ka soo hojeeday xirnaashaha Dekedda Boosaaso, kadib markii ganacsatada Dekeddaasi ay cabasho ka keeneen lacago dheeraad ah oo lagu dalacay.
Waxaana dibadbaxayaashu ay ku qeylinayeen erayo ka dhan ah madaxweynaha Maamulka Puntlan Cabdiweli Maxamed Cali “Gaas”
Arrimahahan ayaa ku soo beegmaya, xilli dhawaan Dekedda Boosaaso lagu wareejiyay shirkad Ajanabi ah oo laga leeyahay Dalka Isutaga Imaaraadka Carbta, si ay hormariso Dekeddaasi.