Dhageyso:Ciidamada Kenya oo Sheegay in ay Dileen Labo kamida Dagaalyanahada Dhaq-Dhaqaaqa AL Shabab

0

Afhayeenka Kowntiga Lamu ee dalka Kenya Divid Obonyo ayaa sheegay in Ciimada Difaaca Dalka Kenya ee KDF ta ay labo katirsan Al shabab ku dileen Deegaanka Nyatha ee hoostaga Kowntiga Lamu ee Dalka KENYA,

Ciimadeena kusugan deegaanka NYatha ee dhinaca galbeed ee Kowntiga lamu ayay weerar kuso qaadeen Kooxdani hubaysan wan iska caabinay waxana  ka dilnay labo kamida Al shabab ayuu yiri Obonyo,

Arrintani ayaa imaanaysa xili Todobaad kahor ay Ciidamada Kenya ee kusugan degaanka Mararani ee Isla kontiga gobal xeebedka lamu ay sheegeen in halkaas ku dileen Afar kamida Dagaalyanahana Al shabab oo weerar kuso qaaday  Islamarkaana ay kaqaateen hubkii ay wateen sida ay Hadalka u dhigeen

Al shabab ayaa had iyo jeer weeraro joogta ah kuqada Fariismaha Ciidamada KENYA ay kuleeyihiin Gudaha Dalka kenya, gaar ahaan deeganada dhaca dhinaca Xadka Soomaaliya

Halkaan Hoose Ka Dhageyso Codka