Garbahaarey (AGGM): Gudomiyaha Maaamulka Ahlusunna ee Gobolada Konfureed Sh Maxamed Maxamuud Yusuf Aw-libaax ayaa waxaa uu manta marki ugu horaysay ka hadlay Shaqaaqadi shalay ka dhacday Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.
Gudomiyaha oo asago ku sugaan Xarunta Gobolka Gedo ee Garbaharey Shirjaraid u qabtay Saxafada ayaa waxaa uu ku dheeraday ka hadalka Dagaal qasaaro badan dhaliyay oo Kismaaayo ka dhacay.
Ugu horeeyn Gudomiyaha Ahlusunna Waljamaca Gobolada Konfureed Sh Maxamed Aw-libaax waxaa uu sheegay ka masul ahaan in u si weyn uga xun yihiin dhibaatada ka dhacday Magaalada Kismaayo isla markaana uu tacsi u diraayo dhamaan inti ku wax yeelowday dhacdadi xanunka badnayd eek a dhacday Kismaayo.
“ Dhawaqa naga soo gaaray Magaalada Kismaayo xili aan u fadhinay Shir aanu ugu diyaar garobaynay Shirweynaha Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo waxaa uu ahaa mid si weyn no damqiyay waxaana markiiba xiriiro aanu la samaynay Maamulka KMG ah ee Magaalada Kismaayo bal si loo xakameeyo dagaaladi socday taasina wa lagu gulaystay in “ ayu yiri Sh. Maxamed Aw-libaax.
Inta uu socday Shirka jaraaid ee Gudomiyaha Ahlusunna Waljamaaca Sh Maxamed Aw-libaax ayaa waxaa uu fariin adag u diray Taliyaha Ciidamada Maamulka KMG ah ee Magaalada Kismaayo Gen Ismaciil Saxardiid waxaana uu yiri.
“Waxaan halkaan fariin cad uga diraya Taliyaha Ciidamada Maamulka KMG ah ee Magaalada Kismaayo Gen Ismaciil Saxardiid waxaan leyahay Taliye waa in aad sida u ugu dhaqsiyo badan aad cadaalada ku horkeento Ciidamadi dhaca u gaystay qaar ka mid ah Shacabka Magaalada hadi aysan taasi dhicin waxaad qaadi doonta Masuliyada Dagaalki Kismaayo ka dhacay ayu yiri Sh Aw-libaax.
“Ciidan ma ahaan shaqsiga dhaca u gaysanaya Shacabki la rabay in uu ka ilaaliyo kuwa dhacaya waxaayna u bahan yihiin kuwa falkaasi gaystay ciqaab adag iyo dhaqan celin, ayu yiri Aw-libaax.
Ugu danbeyn Gudomiyaha ayaa waxaa uu sheegay in Shirki ay u jogeen Garbahareey uu gabo gabo u marayo Shacabka iyo siyaasiyiinta Gobolka Gedo na ay manta wixi ka danbeya hal far noqonayaan oo ay si wada jir ah uga qayb qadanayaan Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo.
Maxamed Jamac
Garbahareey-Gedo
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com