Muqdisho (AGGM): Sida ilowareedyo lagu kalsoon yahay oo ka gaabsaday magacooda kuna sugan Gudaha magaalada Muqdisho ay xaqiijnayaan urur Diimeedka Dam Jadiid ayaa waxa ay sameysatay illaa 500 oo Nin oo ciidamo ah looguna Magac daray “Ruuxaanta” kuwaasi ka dhigan sida Amniyaadka falaagada argagixisada ah ee Al Shabaabka kana taqallusaya cid kasta oo Jabisa amaba ka soo horjeesata Awaamiirta urur diimeedka talada dalka Soomaaliya la wareegay ee Damu Jadiid.
Ilo wareedyadan ayaa waxa ay isugu jiraan Siyaasiyiin, Saraakiil sare oo ka tirsan Madaxtooyada, iyo Ganacsato Caan ah.
Ilo Wareedyadan ayaa waxa ay sheegeen in Ciidamadan loogu magac daray “Ruuxaanta” waxay si toos ah uga amar qaataan Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Faarax C/qaadir “Faarax Topaz isaga oo ku bixiya dhaqaalo aad u badan.
Ciidamada “Ruuxaanta”ayaa waxaa laga dhex abuuray kana tirsan yihiin ciidamada Nabad Sugida dowladda Soomaaliya ilo wareedyada ayaa waxa ay sheegayaan inay si toos ah uga dambeeyeen dilal kala duwan oo ka dhacay Magaalada Muqdisho oo intooda badan ay ku baxeen dad qaadacsanaa Kooxda Dam Jadiid..
Qaraxi shalay ka dhacay Madaxtooyada laguna Qaarajiyay Allaha U Naxariistee Xildhibaan Maxamed Warsame Maxamed (Xildhibaan Faysal) halka uu dhaawac fududna ka soo gaaray Ex Xildhibaanad Amina Maxamed Mursal ayaa waxaa la sheegayaa inay tahay hoowshaasi hoosha ciidamada “Ruuxaanta” oo aysan maanta ku sugneen magaalada Muqdisho cid kale oo fulin karta dilkaas siyaasadeed.
Isku soo wada duuboo horey ayaanu waxaan u aragnay hab dhaqankii Amniyaadka falaagada argagixisada ah ee Al Shabaabka bal aanu dhoowrno bartilmaameedk ciidamada loogu magac daray “Ruuxaanta” iyo sida ay u laayaan siyaasiyiinta ka soo horjeeda la wareegida talada dalka ee urur diimeedka Damu Jadiid amaba aanu dhahne Damiin Jadiid.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com