Top News + Dhageyso: Xildhibaanno Gaaray Magaalada Baydhabo.

0

BaydhaboBaydhabo (AGGM): Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya iyo siyaasiyiin ka tagay magaalada Muqdisho ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee xarrunta gobolka Baay.

Wafdiga oo si weyn loogu dhoweeyay garoonka diyaaradaha ee Baydhabo ayay mas’uuliyiintii hoggaaminaysay sheegeen inay ka qeyb-galayaan dhismaha maamulka Koofur-galbeed Soomaaliya oo looga shirayo magaalada.

Xildhibaan Maxamed Ibraahim Xaabsade oo ka mid ah mudaneyaasha baarlamaanka ayaa sheegay inay diyaar u yihiin ka shaqeynta dhisidda maamulka iyo taageeridda gogosha nabadeed ee ka fidsan magaalada Baydhabo.

Muddooyinkii dambe ayaa Baydhabo waxaa gaarayay siyaasiyiin iyo xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Halkan Guji Kuna Dhageyso Mobilkaaga…

Halkaan Hoose Ka Dhageyso Warka Xildhibaanada

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com