Mombasa (AGGM):Booliska magaalada dalxiiska caanka ku ah ee Mombasa ayaa waxa ay raadinayaan nin la sheegay in uu ku tuuray bam gacmeed labo nin oo dalxiisayaal ah oo saarnaa baabuur bas ah deegaanka Likoni.
Hase yeeshee bamkii lagu tuuray baabuurka ayaa waxa uu ku dhacay muraayada gaariga balse ma uusan qarxin.
Booliska magaalada Mombasa ayaa waxa ay sheegeen in labadan ruux ee dalxiisayaasha ah ay ku sii jeedeen deegaanka Kwale iyagoo ka tegey Diani.
Taliyaha ciidamada booliska Mombasa Robert Kitur ayaa sheegay in uu baarayo weerarkan lagu qaaday ayna doonayaan in ay soo qabtaan ruuxii ka dambeeyay falka.
Booliska ayaa la sheegay in ay yimaadeen halka uu weerarka ka dhacay isla markaana ay furfureen bamkii qarxi waayay.
Dalka Kenya ayaa waxaa soo noqnoqonayay weeraro lagu qaado ciidamada booliska hase yeeshee waxaa aad u yar weerarada lagu qaado dadka dalxiiska u jooga dalka Kenya.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com