Muqdisho(AGGM) Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa in kulankoodii caadiga ahaa ay ku yeeshaan xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho, iyadoo ajandaha looga hadlayo kulanka uu yahay su’aalo weydiin la weydiinayo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.
Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaali oo la soo xiriiray Allgalgaduud ayaa waxa uu sheegay in maanta uu hor imaan doono Admiral Faarax Qare oo ah madaxa hey’adda cilmi baarista badaha Soomaaliya oo su’aalo la xiriira badaha wax ay ka weydiin doonaan mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya.
Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa sidoo kale waxa kulankooda ay kaga hadli doonaan arrimo kale oo dadka iyo dalka dan u ah, maadaama ay wakiil ka yihiin umadda Soomaaliyeed.
Howlahani ay wadaan baarlamaanka dalka ayaa qeyb ka ah waajibaadka dastuuriga ah oo ay u dhaarteen, waxaana shaqada baaxadda leh oo ay wadaan mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya iyo guddoonkaba soo dhaweeyay dadka Soomaaliyeed.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com