Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in Al Shabaab saacadihii la soo dhaafay ay weerar culus ku qaadeen fariisimo ciidamo AMISOM ay ku leeyihiin deegaano ka tirsan gobolkaasi.
Al Shabaab ayaa weerar ku bilaawday Madaafiic ku qaaday deegaanada Golweyn iyo Lambar Lixdan oo hoostaga degmada Marko ee xarunta g/ Shabeelaha Hoose.
Waxaana la sheegay in halkaasi uu ka dhacay dagaal foolka fool ah oo u dhaxeeyay dagaalyahannada Al Shabaab iyo Ciidamada AMISOM ee ku sugan saldhihgyadaasi.
Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaasi, welina ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay labada dhinac oo ku aadan dagaalkaasi.
Dhinaca kale wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Al Shabaab sidoo kale ay weerar ku qaadeen saldhig Ciidamada Jabuuti ay ku leeyiihiin degmada Buuloburte ee gobolkaasi.
Weerarkan oo ahaa mid xoogan ayaa la sheegay in labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka nuucyadiisa kala duwan.
Ilo deegaanka ah oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac, basle aan la xaqiijin karin inta uu la’egyahay.
Sidoo kale dadka deegaanka ayaa sheegay in Ciidamada AMISOM howgallo ay ka sameeyeen degmadaasi, islamarkaana ay Hawada ka saareen Isgaarsiintii degmada Buuloburte ee gobolka Hiiraan.
Al Shabaab ayaa muddooyinkii dambe kordhiyay weerarada ay ku qaadaan fariisimaha Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.