War saxafaadeed ka soo baxay golaha ammaanka ee qaramada midoobay ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay horumarada ay sameysay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.
Xubnaha golaha ammaanka ee qaramada midoobay ayaa sheegay in dowladda somaliya ay wax la taaban karo ka qabatay dhinacyada siyaasada,ammaanka iyo dhaqaalaha dalka.
Warsaxafadeed golaha ayaa soo baxay kadib markii halkaasi ay warbixino ka jeediyeen wakiilada qaramada midoobay iyo midowga afrika Micheal Keating iyo ambassador Francesco Madeira.
Golaha ammaanka ayaa talaabo wanaagsan ku tilmaamay heshiiskii dhawaan ay gaareen maamulada gobalada dhexe iyo waliba qorshaha dowladda ay ku diyaarineyso doorashada somaliya ee qofkii codkii ee sannadka 2020.
Golaha ayaa ugu baaqay in dhamaan dhinacyada somaliya ay wax walba ku dhameeyaan wada hadal si loogu gudbo muranka siyaasadeed ee ka taagan Soomaaliya.
Xubnaha golaha ammaanka ee qaramada midoobay ayaa dhinaca kale si wey u bogaadiyey kulan bishii December ee sannadkii hore lagu qabtay magaalada muqdisho oo ay ka soo qayb galeen dalalaka beesha caalamka kaasoo looga hadlayey sidiii ciidamada somaliya ay ula wareegi lahaayeen mas,uuliyada Amniga dalka.