Juba (AGGM): Wararka ka imaanaya Magaalada Jubba ee Caasimadda Dalka Koofurta Sudan ayaa sheegaya in Wiil dhalinyaro ah oo Soomaali kaasi oo lagu magacaabaayay Mukhtaar Maxamed Cali ay Toogteen Ciidan hubaysan.
Wararka ayaa sheegaya in Wiilka dhalinyarada ah uu joogay Goob ganacsi oo xiligaas Xirneed hasayeeshee uu hor fadhiyay Marxuumka isla mar ahaantaana Ciidan hubaysan ay ka dalbadeen in uu dukaanka u furo si ay wax uga qaataan laakiin uu Marxuumka ka shakiyay isla mar ahaantaana uu ku madax adeegay in uu Goobta furo isaga oo ka baqanayay in ay Boob ku sameeyaan.
Muran dheer ka dib ciidankii hubeysnaa ayaa rasaas la dhacay Wiilka dhalinyarada ah isagoona isla goobta ku geeriyooday, ciidankii dilka geystayna ay goobta ka baxsadeen.
Magaalada Juba ayaa Maalmihii ugu dambeeyay Xaaladeeda Amaan aad looga deerinayaa kadib markii Dagaal Hubaysan uu ka dhex qarxay Ciidanka Dowladda dhexdiisa oo kala taageersanaa Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeen Horay Xilkaas looga Tuuray.
Isku soo wada duuboo Dalka Koofurta Suudan oo dowlad cusub ah oo sanadki 2011 Sudan inteeda kale ka Go’day ayaa Waxa Ganacsiga intiisa badan Gacanta ku haya Ganacsato Soomaali ah.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com