Dagaal saacado kooban ka socday duleedka magaalada Tukaraq ee gobolka Sool ayaa lagu soo waramayaa inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhawac soo kala gaadhay dhinacyadii ku dagaalamay.
Ciidamo ka tirsan kuwa Puntland oo saaka weerar ku qaaday saldhig ciidamada Soomaaliland ay ku leeyihin duleedka deegaankaasi ayaa lagu soo waramayaa inuu iskiis u istaagay dagaalkii saaka dhexmaray ciidamada Puntland iyo Soomaaliland.
Waxgaradka deegaanka iyo masuuliyiin ka tirsan maamulada Puntland iyo Soomaliland ayaa wadda waan waan lagu dajinayo dagaalka waxaana lagu soo warmayaa inay xiligan door weyn ku lahayeen joojinta dagaalka