Muqdisho (AGGM): Wararkii ugu dambeeyay ee ka helayno werarkii dhaqaatiirta ayaa sheegaya in dhimashadu ay gaareyso ilaa iyo 4-qof oo 3-kamid ah ay yihiin dhaqaatiir siiriyaan kuwa kalana ay yihiin kuwo Soomaali ah.
3-da dhaqtar ee u dhashay siiriya ayaa kala qaabilsana cudurada Neef mareenka,lafaha iyo Kilyaha sida ay noo xaqiijiyeen dhaqaatiirta Soomaaliya.
Sarkaal katirsan ciidamada dawlada Somaliya oo gaaray xarunta cusbitaalka Fiqi ee kuyaalla duleedka magaalada Muqdisho ayaa waxa uu ka warbixiyey sida weerarka saaka loogu qaaday dhaqaatiirta.
Kooxo hubeysan ayaa la sheegay inay rasaas ku fureen dhaqaatiirta xilli ay kusugnaayeen meel ku dhaw xarunta cusbitaalka ay ka shaqeynayeen iyadoona ilaa hadda faah faahino cusub kasoo bixin dhalashada dhaqaatiirka la dilay ee ajaanibta ahaa.
Sargaalka dawlada katirsan ayaa sheegay inay arkeen meydka labo dhaqtar oo ajnabi ah,dhaqtar Somali ah,wiil tarjumaan ahaa iyadoo mid kalena uu dhaawac soo gaaray.
Halkaan Guji Kuna Dhageyso Mobilkaaga..
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com