Tiro dad ah oo Loo soo Qabtay Dilka Kaaliyihii Maxkamada Degmada Wanlaweyn

0

Habeen ka hor degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose waxaa lagu dilay Kaaliyihii Maxkamada degmadaasi oo lagu Magacaabi jiray Maxamed Jacfar Axmed,waxaana soo baxaya Warar sheegaya in la qabtay dadkii dilay.

Wararka ayaa sheegaya in Maamulka degmada Wanlaweyn uu dabagal iyo baaritaano ku sameeyay si loo ogaado dadkii ka dambeeyay dilkaas,ugu dambeyna loo soo qabtay laba ruux.

Masuuliyiin ka tirsan Maamulka degmada Wanlweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose iyo qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa waxa ay Dalsan u sheegeen in labada ruux ee la qabtay laga dabagalay taleefoon ay ka soo waceen Kaaliyaha ka hor dilka isla markaana la aqoonsaday.

In kastoo aan weli la cadeyn sababta loo dilay kaaliyihii degmada Walaweyn ayaa hadana Warar ay heshay warbnaahinta waxa ay sheegayaan in raggii loo qabtay dilkaas,mid ka mid ah ay la wareegeen ciidamo Cadaan ah si ay baaritaano dheeraad ah ugu sameeyaan.

Gudoomiye ku xigeenka Maamulka degmada Wanlaweyn ayaa habeenkii uu dilka dhacay warbaahinta u sheegay in ay Magacaabeen Gudi ka Shaqeeya sidii lagu ogaan lahaa dadkii ka dambeeyay dilka Kaaliyihii Maxkamada degmada Wnalaweyn Maxamed Jacfar Axmed.