Muwaadin Somali ah oo lagu eedeeyay inuu doonayey inuu weerar ku qaado xarun caafimaad oo ciidamada mareykanka ay ku leeyihiin gobalka texas ee dalka mareykanka ayaa dalbaday in dib loogu masaafuriyo dalkiisa.
Ninkaasi oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Shiiq Maxamuud ayaa waxaa dhawaan maxkamada ku taala gobalka ohio ay ku xukuntay xabsi gaaraya 22 sannadood.
Cabdiraxmaan ayaa xaakinka maxkamada ka codsaday in dib loogu celiyo somaliya isagoo xusay in uusan u dulqaadin Karin xabsi mar kale lagu xukumo,isagoo hore usoo dhameystay shan sanno oo xabsi.
Muwaadinkaasi somaliga ah oo hadda 26 jir ayaa mareykanka soo galay isagoo jiray labo sannadood waxaana uusan weli helin sharciga dhalashada ee dalka mareykanka.
C/raxmaan ayaa waxaa dacwad oogayaasha ay ku eedeeyeen inuu qorsheynayey inuu u duulo gobalka taxes si uu u weeraro xarunta caafimaadka dowladda ee gobalkaasi.
Cadeymo la horkeenay maxkamada ayaa lagu sheegay in mr Maxamuud uu dhowr sanno ka hor tababar la soo qaatay jabhada al Nusra Front oo ka dagaalanta dalka siiriya.