Maxaad kala Socotaa Xaaladii ugudambaysay ee Deegaanka Tukaraq iyo kulankii Dhaxmaray Gaas, Camey iyo Axmed Cali Xaashi ?

0

Xaalada deegaanka Tukaraq oo ay isku horfadhiyaan Ciidamada Difaaca Puntland iyo Malayshiyaadka Soomaaliland ayaa  ah mid Go,doonsan.

Dadka deegaanka ayaa markasta ka cabsi qaba in dagaal uu ka dhax qarxo labada Ciidan ee is horfadhiya.

Ciidamada Puntland ayaa kujira heegankii udambeeyay iyagoo sugaya oo kaliya Amar ka soo baxa Madaxda ugu saraysa dalka Sida Madaxweynaha iyo Taliyaha Ciidanka.

Madaxtooyada Puntland ee Garoowe  shalay waxaa  kulan deg deg ah ku yeesheen Saddexda Masuul ee ugu sareeysa Dowlada Puntland Madaxweynaha, Kuxigeenkiisa iyo Godoomiyaha Baarlamaanka,Waxayna ka doodeen qaabka loo wajahayo Xoraynta Gobolka Sool.

Majirto ilaa iyo hada wax faah faahin ah oo ka Soo baxay kulankaasi ay yeesheen Sadaxdan Mas,uul ee ugu Saraysa maamulka Puntland oo loo soo bandhigay Warbaahinta. balse Madaxweyne gaas ayaa horay usheegay in uu cadadis kala kulmayo Wadamada dariska la ah Puntland iyo Beesha Caalamka ,balse waxa uu hadalkiisa kudaray in ay muqadas tahay xoraynta Gobolka Sool.