Wararka laga helayo Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Diyaaradaha Dagaalka Kenya ay duqeyn xoogan ku beegsadeen Xarakada Al Shabaab.
Weerarkan ayaa lagu beegsaday baro Xarakada Al Shabaab ay ku leeyihiin nawaaxiga Degmada Ceelwaak ee Gobolka Gedo.
Wararka ayaa sheegaya in Duqeyntu ay aheyd mid xoogan, balse weli khasaaraha ka dhashay weerarkaasi lama soo sheegin.
Dadka Degaanka qaarkood ayaa sheegay in weerarkan uu yimid kadib Xarakada Al Shabaab ay dhaq dhaqaayo ka bilaabeen inta u dhaxeysa Ceelwaaq iyo Degaanka Buuzaar ee Gobolka Gedo.
Weli majiro wax hadal ah oo ka soo baxay Xarakada Al Shabaab oo ku aadan weerarkaasi ka dhacay nawaaxiga Degmada Ceelwaaq.