Video: Musharax Madaxweyne C/risaaq Janogalle” Tukaraq Oo lahaysto Waxa ay ka Dhigantahay Puntland Oo laqabsaday

0

Musharax C/risaaq Jaamac Janogalle oo kamid ah Musharaxiita  utaagan qabashada xilka Madaxtinimo ee 2019 ee Puntland ayaa si kulul uga hadlay Duulaanka Qaawan ee ay ku qabsadeen Malayshiyaadka Muuse Biixi Deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool.

Waxa uu sheegay in Tukataq oo laqabsado iyo Laas Caano oo lajoogo in aysan dhaamin Puntland oo lahaysto.

Waxa uu sheegay  in sool ay ku soo laabankarto oo kaliya  Xabada oo dhacda, maadaama tan iyo 2009kii ay gacanta  Puntland ay ka maqantahay.

Waxa uu  Musharax C/risaaq ugu baaqay  Muuse Biixi in uu si deg deg ah ugalabaxo Malayshiyaadkiisa Qabsaday Deegaanka Tukaraq , hadiikale uu faraha kaga guban doono dabka uu kuciyaarayo.

Musharax Madaxweyne C/raxmaan Janogalle ayaa gaba gabadii waxa uu sheegay in taako kamid ah dhulka Puntland oo lahaysto in ay dhib kutahay balan qaadiikii ay shacabka  Puntland lagaleen Dowladooda.

Hoos kadaawo Muuqaalka.