Wax ka hor gudaha magaalada bosaaso waxaa laga maqlay rasaas xoogaan oo la isku adeegsanayay kooxo hubaysan ayaa weeraar ku soo qaaday saldhiga badhtamaha ee magaalada bosaaso iyo xarunta maxkamada gobolka halkaas oo ugu yaraan ay xabad xoogan ka dhacaysay 15 daqiiqo ka hor weeraarku inta uuna dhicin waxaa saldhiga lagu soo tuuray sadex bambo gacmeed balse ciidamada saldhiga ku sugna ayaa iska difaacay sida ay warbaahinta allgalguduud u xaqiijiyeen saraakisha goobta ku sugna xili ay xabadu ka socotay halkaasi
Waxaa jira dhimasho soo gaadhay ciidamada saldhiga ku sugna balse wali tirada rasmiga ah lama oga waxaa la sugaya in sarakiisha dhanka amaanka bosaaso ay goordhaw faafin ka bixin doonaan sida ay wax u dhaceen