DHAGEYSO:-Wasaaradda Amniga soomaaliya oo shaacisay in gacanta lagu dhigay dad dilal ka geystay muqdisho

0

Wasaaradda Amniga Soomaaliya ayaa shaacisay in howlgalladii ugu dambeeyay ee laga sameeyay Muqdisho lagu guuleystay in lagu qabto rag dilal ka geystay Muqdisho.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Soomaaliya Cabdi Casiis Cali Ibraahim Xildhibaan ayaa sheegay in Ciidamada Amniga ay Gacanta ku dhigeen ninkii ka dambeeyay dilka Askari ka tirsanaa Ciidamada dowladda oo lagu dilay Muqdisho.

Waxa uu sheegay in markii uu dilka dhacay ay durba Ciidamadu sameeyeen howlgal kaas oo keenay in isla Goobta lagu qabto ninkii ka dameeyay dilka Askarigaas.