Wafdi Isimo Ah Oo Uu Hogaaminayo Garaad Jaamac Garaad Cali Oo Maanta Gaaray Deegaanka Meegaagle

0

Deegaanka Meegaagle oo ay Taalo gogosha dib uheshiisiinta Beelaha Cumar Maxamuud iyo Baharasame ayaa waxaa maanta Gaaray halkaasi Wafdi balaaran oo uu hogaaminayo Garaad Jaamac Garaad Cali oo ka kooban Isimo , Nabadoono , Cuqaal iyo Guurti.

Deegaanka Meegaagle ee Gobolka Cayn ayaa waxaa lafilayaa in uu kafurmo maalmaha soo aadan  shirkii Dib uheshiisiinta Beelaha  Cumar Maxamuud iyo Baharasame oo dhamaadkii sanadkii Tagay kudagaalamay halkaasi.

Dowlada Puntland ayaa fududaynaysa tasiilaadka kubaxaya Shirkan, Waxaana Amniga sugaya Ciidamada Dowlad deegaanka Itoobiya.

 

Labadan Beelood ee wada dagan halkaasi  ayaa Colaadooda waxa ay Noqotay Mid mudo badan soo jiitamaysay taas oo ay labada dhinac Ay kaga Dhinteen dadbadan kuna waayeen hanti farabadan.

 

iSimada dhaqanka ,Gudiga howshan loo xilsaaray iyo Dowalada Puntland ayaa dadaal ugujira sidii ay usoo Afjari lahaayeen Colada labadan Beelood ee mudada badan soo jiitamaysay.

????????????????????????????????????