Waxaa goor dhaw la filayaa inuu Magaalada Muqdisho ku soo gabagaboobo shirka amniga oo ay ka qeyb galayaan dowlada dhexe iyo madaxda maamul goboleedyada kaasoo looga hadlayo amniga guud ee gayiga Soomaaliya.
Shirkan ayaa Muqdisho ka furmay Talaadadii aynu ka soo gudubnay waxana mudadii uu socday si aad ah loogu gorfeeyey qaabkii loo sugi lahaa amniga guud ee dalka iyadoo ay is kaashanayaan dowlada dhexe iyo maamul goboleedyada dalku leeyahay.
Xubnaha dhinaca Warfaafinta u qaabilsan Madaxtooyada Soomaaliya ayaa daqiiqado ka hor isugu yeeray qeybaha kala duwan ee warbaahinta iyagoo ku wargaliyey in caawa uu soo idlaanayo shirkii mudada 5-cisho ahayd muqdisho ka socday.
Shirkan ayaa la filayey inuu soo idlaado khamiistii aynu ka soo gudubnay hasee ahaatee sababo ilaa iminka aan la xaqiijin ayuu dib ugu dhacay.
Wixii ka soo baxa wararkeena xiga ayaan idinkugu soo gudbin doonaa