Baledweyne (AGGM): Wafdi uu hogaaminayo sii hayaha wasiirka Kheyraadka Dalka islamarkaana loo xilsaaray in ay Xaliyaan dagaal Beeleedka Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in Go’aano adag ay ka soo saareen.
C/risaaq Cumar Max’ed Wasiirka Kheyraadka ayaa Sheegay in Go’aanadaasi ay yihiin in Xabada la joojiyo,in la kala qaado Maleeshiyadka Dagaalamay iyo in mar danbe aysan dhicin Dagaal nuucaas oo kalaa.
Mudane C/risaaq ayaa Tilmaamay in Cidii ku Xad gudubta Go,aanka ay soo saareen Tilaabo adag laga qaadi doono,asagoona intaa ku daray in Ciidamada AMISOM,Ciidamada Ethiopia iyo kuwa Dowladda Federaalka Soomaalia ay ku Amreen in ay Tilaabo cad ka qaadaan Cidii ku Xadgudubta Go,aanka ay soo saareen.
Dhanka kale Nabadoon Max’ed Cabdi Raaxooy oo ah mid kamid ah Beelaha Dagaalamay ayaa warbaahinta u sheegay in uu san jirin wax Heshiis ah oo laga gaaray Colaada Gobolka Hiiraan islamarkaana aysan arkin wax Wafdi ah oo ka socda Dowladda Soomaalia.
Nabadoon Max’ed ayaa sheegay in hadalka ka soo baxay Wafdiga Dowladda Soomaalia uu yahay mid Been abuur ah oo la iskaga hor keenayo Beelihii dagaalamay.
Halkan Guji Kuna Dhageyso Mobilkaaga..
WASIIKA kHEEYRAADKA CABDIRISAAQ CUMAR
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com