DHAGEYSO:-Heshiis Hordhac ah oo laga gaadhay Shirkii deegaanka Maygaagle uga socday Beelo Walaalo ah

0

C/raxmaan C/laahi Bootaan oo kamid ahaa waxgaradkii ka qayb galay kulankaasi ayaa sheegay inay meel wanaagsan marayo shirka ilaa 3 Qodob oo hordhac ahna laga gaaray Shirka kuwaasoo ay kamid tahay:-

1:- In deegaanka aan la kala xigin ee la wadda daaqo si Nabad Galyo ah.

2:- In la kala qaato Dhiig dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee ka dhacayey deegaankaasi taas oo ah Geel laguna qiimiyey Hashii $300 Dollar.

3: iyo Hal Sanno gudahood lagu dhamaystiro Qaybaha ka hara Magta marka laga yimaado Samirsiinta lacagta Duugta iyo ilma tirka ah.

Shirkan ayaa waxaa ka qayb galay madaxda maamulada Soomalida itoobiyo oo Saraakiil ay ka joogtay iyo Madaxda Puntland iyo waxgarad ka socday Soomaaliland.