Magaalada Garowe ayaa lagu qabtay Shirjaa,id oo lagu Soo bandhigayey Hantidii Saarnayd doontaasi taasoo kor u dhafaysay $ 7 Milyan Dollar.
Wasiiradda Wasaradaha Maaliyada,Ganacsigga iyo Warfaafinta,Wasiirka Amniga iyo Haweenka dawlada Puntland ayaa sheegay inay dawlada Puntland Canshuurtii ka dhaaftay Hantidii lasoo Bad-Baadiyey.
Wasiirka Wasaarada Maaliyada Cabdullaahi Siciid Carshe(Dhaqaaje),ayaa shacabka Boosaaso uga mahad celiyey dadaalkii dheeraa iyo isku tashiga ay Sameeyeen.
Wasiirka Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland C/wali Xirsi Cabdule Indha Guran ayaa dhankiisa wuxuu mahad celin Gooni ah u diray Maamulka Gobolka Bari iyo Dadaalkii Dheeraa ee ay u galeen Ilaalinta Hantida.
Wasiirka Wasaarada Amniga dawlada Puntland ayaa dhankiisa wuxuu u mahad celiyey Ciidamadii sugayey Amnigga intii Shaqadu ka socotay magaalada Boosaaso.
Wasiirka haweenka ayaa ugu danbayn u mahad celisay Haweenkii doorka wanaagsan ka qaatay Bad-Baadinta Doontaasi.