Waxaa weli xiran Ganacsigii Suuqa Weyn ee Bakaaraha kaas oo Ganacsatada ay shalay ku dhawaaqeen Shaqa Joojin Maantana ay fuliyeen,iyaga oo ka cabanaya Canshuur kordhin lagu sameeyay.
Waxaa la arkayay gebi ahaanba Goobihii Ganacsi ee Suuqa oo xiran,iyada oo Ganacsatada qaarkood ay hor dhooban yihiin goobahooda iyaga oo rajo ka qaba in la xaliyo tabashadooda.