Waayadan danbe waxaa dalkeena soo noqnoqday arimo la xariira cashuurta dalka soomaaliyeed ee xorta ah.si aynu isu fahano shacab iyo dawladba bal horta aan wax yar isla eegno canshuuri waa maxay? maxaa looga qaadayaa dadka soomaaliyeed?
Canshuuri waa lacag kuwaajibtay shirkad ganaacsi ama ha ahaato mid dadbadini wada leeyihiin ama mid qofkaligii leeyahayba ee iyo shaqaale bixiya qadar boqolkiiba qiime ay ka jarayaan waxa soo galay kuna bixinaya dawladooda,waana xil saaran qof kasta in uu ka qayb qaato,kadibna dawladu kufuliso adeega guud ee dalka.
Canshuuri waxay tahay waa qeexnay,aan usoo noqono,maxaa looga qaadaa dadka ama dadkeena soomaaliyeed? Waxaa looga qaadaa in dadka aynu u dhiibanay masuuliyada ah in ay inoo shaqeeyaan,oo ileen dad iyo dal dhanbaynu nahaye ina maamulaan,oo aynu saaray xilka intaa la eg,inay helaan dhaqaale ay inoogu shaqeeyaan,sida in ay inoo dhisaan iskoolo,jaamacado,wadooyin inaguna aynu ku isticmaalo si lacag la aan ah oo bilaash ah.waxaynu doonaynaa in aynu helo nabad galyo oo helo ciidamo amaankeena ilaaliya,suaasha ah xagee laga keenayaa mushaharkooda?
Hadaba waxaa caqlu inoo ogol yahay,in aynu kuligeen dhiibno canshuurta si dadkaynu dirsanay inoogu shaqeeyaan.waxay ila tahay in aynaan orankarayn Dr bayle iyo farmaajo iyo khayre milaayiin lacagaad haysataane dalka oo dhan waad ku filan tihiina idinku keena lacag oo bixiya kharashka dalka oo dhan!! iyagu waa uun shaqaale mushahari ah oo kaliya. dalka in ay iyagu wax taraan iyo in adigu shacabka ahi wax tartid isku mid baad u tihiin oo xilbaa inaga wada saaran. shaqaalaha dawlada iyo shacabkuba waa isku mid in ay bixiyaan canshuurta maxaa yeelay dalka waa wada leenahay yaa gooni loo xijinayaa waa yaabe?
Caanshuurta waa mida dawladnimadu ku dhisantahay,waa mida dawladaha caalamka oo dhami dhexdooda iska qaadan.waxaa yax yax noqotay iyo ceeb ma hadha ah in maanta oo dunidu ilbaxday guud ahaan,tujaartii iyo maal qabeen kii reer MOGDISHO ku doodeen canshuur bixin mayno oo waa baad nalaga qaadayo!! waxaa kasii fool xun in sida wasiirkuba cadeeyay maaliyadu in 8000 oo dolar badeecadii joogtay laga qaaday oo kaliya 8 doolar oo kaliya oo la dhihi karo canshuurba maha,halka dunida uugu yaraan laga qaado 23%. in ganaacsatadii waa waynayd ka qayliyaan arintaa oo diideen waa fadeexad aan hore loo arag.
Canshuurtuna maha wax qofku uu siinayo qof gaara ama madaxda dawlada ee waa ka qayb qaadashada danta guud ee dadka iyo dalka lagu dhisayo.waa wax adiga dib kuugu soo noqonaya oo kuu anfacaya.mid waa ka garaabaynaa oo waa ognahay.In dalkeenu mudo nus qarni ah ama 30 sanadood uu ahaa fowdo iyo dawlad la aan,tanoo keentay in qof waliba kan uu is yiraahdo waa dili kartaa dilo,oo dhaco,oo kufsado,waa ognahay in dalka lasoo galin jiray daawo dhacday,raashin dhacay,wax kasta oon lahayn tayo,canshuur la aana lagu soo dajisan jiray wax kasta maxaa yeelay majirin dawladii ilaalin lahayd karaamada dadka iyo dalka. dawlad la aantaas dad ayaa sixun u ilbaxay oo noloshii ka habawday oo anbaday.
Laakiin taa waa laga baxay oo dalka dawlad ayaa ka jirta sharci baa jira,hadaba waxaan la filanaynin in xiligaan ay dad waynuhu MOGDISHO ku raacayaan tuugii xaaran ku naaxa ahaa ee ahaa xaaran quutayaal ee ahaa dawlad diid ee caanka ahaa rabana in waligii dalkeenu ahaado dawlad la aan,oo wali hadafkiisii ku taagan oo raba in uu dumiyo dawladaan hada inoo dhisan in fikirkiisaas dawlad diid shacabku ku raacayaan lama filanaynin!!
Canshuur bixinteed ninka maanta diiday waa dawlad diid iyo xaaran quutayaal.waxayna gacmaha lagaleen faldanbiyeed ah dil ama xabsi daa in.maxaayeelay aduunyada cidii diida canshuur bixinteed waa danbiyada uugu waa wayn qawaaninta dawliga ah,maxaayeelay waxa uu lamid yahay ninka diiday canshuur bixinteed nin dadkii oo dhan laayay dalkana burburiyay. dawladna waa rabaa canshuura bixin maayo suura galmaha dawladnimooy xaal qaado.shacabka MOGDISHO waa in ay ka fogaadaan xaaraan quutayaal iyo dawladiid.
Dr Bayle wasiirka maaliyada
Waa wasiirka kamid ah wasiirada dawlada soomaaliyeed kuwooda uugu shaqada iyo kartida badan dhab ahaan,waa wasiir dadka Mogdisho ku nool ay aad u jecel yihiin wax qabadkiisa arkeen.waa nin wadani ah oo dadkiisa iyo dalkiisa u shaqaynaya,waa wasiirka qarka usaaran in dalkeena kasaaro daymaha lagu leeyahay oo dhan.waa aqoon yahan reer galbeed geed ku xiray iyo dunidiiba oo ina difaacay,dhibka haysta waxaa ka mid ah oo ciilaya inagii oo ah soomaali dalkana iska leh ayaa diidan in ay canshuur iska qaadaan oo tusaan dunida in ay yihiin dad dawlad ah oo dalkooda jecel oo raba nolol nabad iyo dawladnimo.waxaa Dr bayle dhibay maxaad haystaan idinku hadaad tihiin soomaali? hadaydaan waxba qabsanayn sideen idiinka dhaafnaa daynta? hadaydaan waxba qabsanayn oo canshuur iska qaadaynin sideen hay adwalba iyo wasaarad walba idiinku biilii laynaa? waana gar cad.
Mida kale MOGDISHO dadkeedu maxay u leeyihiin waxaa nabaadaya Dr bayle!! caqligii ma halkaasuu marayaa? lacagta canshuurta ma bayle ayaa qaata? dr bayle miyaa dalka iska leh kaligii? sidaa maha MOGDISHO xaal ha siiso dr bayle,maxaayeelay isagu waxaa laga qaadaa canshuur mu shaharkiisa oo ah waxa soo galay,miyaa la baadaa dr bayle haduu bixiyay canshuur waajibku ah oo dalkiisa lagu dhisayo? dadku inay xishoodaan oo wax iskula haraan ayaa la rabaa.Mogdisho malaha miyaa aqoon yahan garta waxa canshuuri tahay,malaha miyaa waxa u gafaya umada soomaaliyeed dawladnimadooda cid qabata? ma qarnigan ayaa laga hadlayaa canshuur bixin mayno!!!
Waxaa dhab ah dadka MOGDISHO waxaa kujira inbadan oo garanaysa dawladnimada,garnaysa in ay waajibtahay bixinta canshuurtu,laakiin waxaa arinkaan wada waa DAWLAD DIID IYO XAARAN QUUTAYAAL raba in dawladan la burburiyo oo dalka dib loogu celiyo fawdo iyo amaan daradii,si ay u helaan xaaraan iyo meel aan lahayn canshuurba oo ah dawlad la aan.kuwan waa in layska qabtaa waa cadaw kolba meel inaga soo galaya oo dalkeena duulan ku ah iyo khatar.
Dadka boosaaso canshuurta waa bixiyaan,dadka barbara canshurta waa bixiyaan waayo waa dad ilbax ah dhab ahaan waxay garanayaan macnaha canshuurta iyo in ay waa jibtahay saaran qofkasta.kadibna waxay heleen in amaankooda maamuladaasi sugaan.Dadka MOGDISHO ee sharafta leh hayska qabtaan afartaan tuug ee wajiga ka fiiqday ee ceeb usoo jiiday soomaaliya oo idil. qofka xumaanta samaynaya iyo kan arkaya ee aan qabanaynin waa isku mid. xaqu waxaa weeye dalkeena in aan ka qabano cidkastoo xumaynaysa. xataa qofka cawaanka ah ayaan maanta oron karayn canshuur bixin maayo,waxaa taa lamid ah dawladnimo oo dhanba marabo.Dr Bayle kaba sooqaad 3000 000 oo qof ayaa ku nool caasimadeena MOGDISHO mawaxa uu u dhigaa oo u sharaxaa mid mid waxa ay tahay canshuuri? isagu mamacilin kuliyada dhaqalaaha dhigaa mise waa wasiir hawlqaran oo aad u adag inoo haya? dr bayle bare maha yaan lagu danbaabin hawsha uu hayana waqtiga qaaliga ah yaan laga dhumin.qof walba canshuurta loo qoon deeyay ha baxsado ninkii xiisaynaya cilmiga canshuurahana ha aado jaamacadaha iyo goobaha lagu dhigo maha wasaarada maaliyada iyo in uu dr bayle kortaagnado har iyo habeen waa ceeb.
Maanta waa aragnaayoo dawlad waxaynu haysanaa ah mid u shaqaynaysa dadka iyo diinta iyo dalka oo daacad ah,waxaan haysanaa madaxweyne Farmaajo oo ah hogaamiye jecel dalkiisa iyo dadkiisaba,waxaynu haysanaa Raysalwasaare Khayre oo ah nin leh karti shaqo iyo go aan qaadasho ahna wadani daacad u ah dadkiisa iyo dalkiisa,wasiiro wanaagsan ayaynu leenahay maanta.Mudo yar gudaheed,dawladu waxay ku sugtay amaankii MOGDISHO iyo nawaaxigeeda oo dhan.waxaan wada arkaynaa in ay dibadaha dadkii soomaaliyeed ee ku dhibanaa,oo ku jiray xabsiyada iyo silica oo shisheeye u gacan galay in ay dawladeenu u gurmatay kuna guulaysatay in lasoo daayo inbadan oo kamid ah sida maxaabiixtii eithiopia lagu jirdilaayay xabsiga,kuwii india,kuwii liibiya intaasba waa lasoo daayay.oo maanta dalkooday joogaan iyagoo xor ah iyo ciidooda hooyo.
Dawladaan waa mid daryeelaysa dadkeeda dal iyo dibadba inta awoodeeda ah,maxaad filanysaan haday dawladeenu hesho dhaqaale? waxaa hubaal ah in dalkeenu muda yar ku hormari lahaa,dhalin yaradeenuna heli lahayd shaqo ay ka helaan mushahar anfaca. hadaba waa in aan dawladan lagarab istaagnaa hiil iyo hooba si dalkeenu ubadbaado.Mogdisho waa nabad maanta fiiriya quruxda ka muuqada awlana dadkeena ayaa lagu xasuuqi jiray.waa in aan u mahad celinaa dawladeena hadaynaan sidaa yeelin illaahayna uma mahad celinayno taasina cadaab baa lagu galaa aduuna lagu waarimaayo waa ayaamo.
Dalkeena iyo caasimadeena MOGDISHO oo ifaysa cadawgeenu waa ka xun yahay,dadkeenii oo nabad ah cadawgeenu waa ka xun yahay, inagoo gacmaha iswada haysana cadawgeenu waa ka xun yahay,maanta guul baynu joognaa.soomaaliya waa dawlad waana hal dad oo walaalo wada ah soomaaliyana dib u noqon mayso.canshuurta aynu wada bixino diinta iyo dadka iyo dalkana aan difaacano.dr bayle kuma baadayee wuu ku dhisayaa oo ku badbaadinayaa waana shaqsi qiimo ku leh dalkiisa iyo aduunkaba.