Gudiga ku hawlana Dhismaha Wadda Ceel Daahir iyo Ceerigaabo oo Xoolo lagu wareejiyey

0

Qaar kamid ah Bulshada Deegaanada Tiicanyo iyo Caraweyn ayaa gudiga Dhismaha wadda Ceel daahir iyo Ceeri gaabo ugu deeqay Xoolo Nool.

4 Neef oo Geel ah iyo 50 Ari ah oo dadka deegaanka ay iska soo ururiyeen ayey ku wareejiyeen gudiga ku hawlana dhismaha wadda Ceel daahir iyo Ceerigoobo ee gobolka Sanaag.

Waxgaradka ka hadlay wareejinta Xoolahaasi ayaa sheegay inaysan tani ahayn Markii ugu horaysa ee deegaanadan ay bixinayaan xoolo iyagoo sheegay inay waxbadan oo muuqda ka qabanayaan dhismaha wadda.

Gudiga ku hawlan dhismaha wadda oo ka gudoomay Bulshada deegaanadan Xoolihii ay ugu taleen ayey uga mahad celiyey taageerada ay la garab taaganyihiin shaqalaha ku jira dhismaha wadda.

Dhawaan ayaa sidan oo kale loogu wareejiyey Xoolo isugu jiray Geel iyo Ari si ay qayb uga qaataan dhismaha wadda Ceel Daahir iyo Ceerigaabo.