Jubba (AGGM): Xubnaha Dhexdhexaadi yaashaa ee ka socda wadamada bariga Africa ee ku sugan dalka koofurta Sudan, ayaa isku dayaya inay ka hor tagaan dagaal sokeeya oo ka dhaca dalkaasi, iyagoo kulan la qaatay madaxweynaha dalkaasi Salva Kiir.
Dhexdhexaadi yaasha ayaa sheegaya in xal raadinta ay wali socoto, waxaana ay sheegeeyn in ay rajo wanaagsan ka filayaan in xabada la joojiyo.
Madaxweynaha S. Sudan ayaa la kulmay shalay wasiirada arimaha dibada Somalia, Ethiopia, Djibouti, Kenya, Sudan and Uganda kuwaasi oo u gaaray caasimada Juba inay dhexdhexaadiyaan dhinacyada isku dhacu u hdaxeeyo ee dagaalamaya.
Wuxuu u sheegay inuu ku raacsan yahay in galo wadahadal aan sharuud lagu xeraysin, si loo soo afjaro dhibaatada ka taagan dalkiisa.
Wasiirka Arrimaah Itoobiya ayaa sidaan yiri “Waxaan la yeelanay kulan wanaagsan madaxweyne Salva Kiir, waana sii wadi doonaa xalinta khilaafaadka”.
Mareykanka ayaa ergay gaar ah usoo diray dalka Koofurta Sudan, kaasi oo la doonayo inuu ka qeyb qaato xalka dalka koofurta Sudan.
Sidoo kale Wasiirka arrimaha dibada Mareykanka ayaa yiri “Waa waqtigii hogaamiyaasha koofurta Sudan ay hubka iska dhigi lahaayeen,lana yareyn lahaa waxyeelaynta rayidka, lana dhaqeyn lahaa dagaalada u dhaxeeya qabaa’ilada kala duwan iyo kooxaha siyaasada”.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com