MD Xaaf Oo Maanta Ku Wajahan Magaalada Dhuusa Mareeb

0

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf oo maalmihii ugu danbeeyey ku sugnaa magaalada muqdisho ayaa la filayaa inuu maanta u ambabaxo magaalada dhuusa mareeb oo ah xarunta uu ku shaqeeyso xukuumada Galmudug.

Saxafiyiinta ku sugan Dhuusa-Mareeb ayaa soo warinaya in magaalada laga dareemayo safarka Madaxweynaha Galmudug uu ku imanayo iyagoo intaasi ku daray in gigada duyuuradaha ay xaadir ku yihiin xubno uu ka mid yahay sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ah madaxa Xukuumada galmudug.

Madaxweynaha Galmudug ayaanan cagta dhigin dhuusa-mareeb tan iyo markii la gunaanaday wajigii labaad ee heshiiskii ay ku midoobeen ahlusunna iyo galmudug xiligaasoo ku beegnayd Bishii January ee sanadkan 2018.

Mudane Xaaf ayaa sidoo kale la filayaa in maalmaha soo socda uu dhameystiro isku dhafka golaha wasiirada galmudug kaasoo qeyb ka noqonaya hirgalinta heshiiskii ay kal hore ku midoobeen Ahlu sunna iyo Maamulka Galmudug.