Wakiilka gaarka ah midowga afrika ee soomaaliya Francisco Madeira ayaa ka dhawaajiyey in ay hal cadow leeyihiin ciidamada nabada ilaalinta ee Amisom iyo kuwa dowlada fedraalka soomaaliya
Wakiilka ayaa carabka ku dhuftay in cadowgaasi ay yihiin kooxda al shabaab oo dagaal adag kula jirta dowlada soomaaliya iyo ciidamada nabad ilaalinta somaaliya u yimid
Wakiilka ayaa hadalkan ka sheegay kulan shalay muqdisho ku dhex maray dowlada soomaaliya iyo saraakiisha ciidamada amisom kasoo looga arinsanayey isku dhacii 23-ki bishan isgoyska KM4 ku dhex maray ciidamada dowlada iyo kuwa amisom
“Nasiib daro shilkan waa dhacay kaas oo aan si dhab ah uga xunahay,halka waxaa igu wehliya taliyaha ciidanka amisom, taliyaha boliska amisom iyo howlawadeenada arimha amniga iyo siyaasadda,waxaan mar labaad xaqiijineyna ciidamad qalabka sida ee Soomaaliya oo ay ka mid yihiin NISA,SNA iyo dhamaan ciidamada, wasiirka arimah gudaha iyo Amisom dhamaantood waxa ay ku mideysanyihiin hal u jeedo oo ah inay ka adkadaan Alshbaab”.