Faah Faahin Qarax Ka Dhacay Duleedka Muqdisho

0

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar ismiidaamin ahaa oo lagu weeraray saldhiga ciidamada Nisa ay ku leeyihiin deegaanka siinka dheer ee duleedka magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya inuu jiro khasaare ka dhashay qaraxaasi ismiidaaminta ahaa waxeyna sheegeen in lagu dhuftay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay Koontoroolka ay askarta dowladda ku baaraan gadiidka muqdisho soo galaya.

Laamaha amniga dowlada fedaalka soomaaliya ayaanan weli ka hadlin weerarkaasi iyo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.

weerarkan ayaa ku soo aadaya xili al shabaab ay ku goodiyeen in ay weeraro ku soo qaadi doonaan muqdisho.