Wasiirka Maaliyada Oo Shir Uga Qeyb Galaya Dalka Ivory Coast

0

Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle Wasiirka Maaliyada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa gaaray magaalada Abidjan ee wadanka Ivory Coast halkaas oo uu uga qeyb galayo shir lagu falanqeynayo arimaha maaliyada,waxana ka soo qeyb galay shirkaasi madax ka socota dalal kala duwan.

Mudane Beyle waxaa muqdisho ka sii sagootiyey isaga iyo wafdigiisa xubno ka tirsan golaha wasiirada iyo labada aqal ee barlamanka,iyadoo si taasi la mid ah loogu soo dhaweeyey dalka Ivory Coast.

Wasiirka Maaliyada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale qeybaha warbaahinta u xaqiijiyey in shirkaasi ka hadalka horumarka dhinaca maaliyada ee ay dowlada soomaaliya sameysay uu qeyb ka yahay ,iyadoo lagu wado in shirkaasi uu wasiirku ka jeediyo khudbad dhinacyo badan taabaneysa oo ku qotonta arimaha maaliyada Xukuumada Soomaailya.