Akhri:Guddigii Loo Xilsaaray Qaraxii Soobe oo Soo Bandhigay Tiradda dadkii ku dhintay qaraxaasi

0

xarunta dowlada Hoose ee Maamulka Gobolka Banaadir waxaa xalay lagu qabtay Munaasabad lagu soo gaba-gabeynayay gurmadka dadkii ku waxyeeloobay qaraxii ka dhacay Isgoyska Zoobe 14 kii bishii Oktoober ee sanadkii 2017-kii.

Munaasabadda waxaa ka qeyb galay Raisul Wasaare ku xigeenka dalka, Gudoomiyaha Golaha Aqalka sare, Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir, Xildhibaano ka kala socday labada aqal iyo wasiiro katirsan Xukuumadda Soomaaliya, iyo marti sharaf kale.

Cabdullaahi Maxamed Cali Shirwac oo kamid ahaa Guddigii loo xilsaaray Dhaqaale uruurinta dadkii ku waxyeeloobay Qaraxii ka dhacay Isgoyska Soobe oo Munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in guddigooda ay soo mareen marxalado kala duwan, tan iyo intii ay arrintaan ku howlanaayeen.

Shirwac waxa uu sheegay in ay gurmad siiyeen dad gaaraya 3,748 qof, lacagta usoo gacan gashayna ay dhan tahay $4,400,000,(Afar Milyan iyo Afar boqol kun oo Doolar).

Sidoo kale Guddigii Gurmadka Qaranka ee Qarixii Zoobe ayaa  soo bandhigay tirakoobka rasmiga ah ee dadkii ku waxyeeloobay qaraxaas.

Dhimasho 655
Dhaawac 303
Agoon 1,547
Rajo 198
Hanti luntey 308