Madaxweynaha maamulka Hirshabelle ayaa ka hadlay qarax shalay lagu dilay Xildhibaan ka tirnaa golaha Baarlamanka ee Maamulkaasi.
Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare oo ku hadlayay afka goleyaasha Dawaladda Hirshabelle ayaa tacsi udiray Guud ahaan shacabka Soomaaliyeed Gaar ahaan Hirshabelle, eheladii, qaraabadii, asxaabtii, Baarlamaanka, iyo qoysaskii ay ka baxeen marxuum Xildhibaan Axmed Cabdi Faarax iyo Marxuum Xildhibaan Cabdiqadir Baraf oo ka mid ahaa Baarlamaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya, isla markaana ahaa Wasiiru dowlaha Amniga.
Madaxweynaha Hirshabelle oo ka hadlayey Dilka loo gaystay Xildhibaanada ayaa yiri“Innaa Lillaahi wa inaa Ileyhi Raajicuun, Aad baan uga naxay marka aan maqlay Dhimashada Xildhibaan Kabaweyne, waxa uu ahaa shaqsi karti iyo Wadaniyd ku sifoobay wax badan ka soo maray dhismaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle” ayuu yiri Madaxweyne Waare.