Xildhibaan Ahmed Macalin Fiqi”Go’ankeenii Illaa iyo Hadda Lagama Soo Dhoweyn Xafiisyadda Sare”

0

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo Ka tirsan Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay Mooshinka laga keenay Gudoomiyaha Baarlamanka Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari, iyo sida uu u fashilmay.

Fiqi ayaa ku eedeeyay in xafiisyo kale laga soo abaabulayo mooshinkaasi.

” Golaha shacabka oo shaqooyin waaweyn iyo go’aanno taariikhi ah oo umaddu ay ku diirsatay gaaray, waxa ku socda weerar abaabulan oo xafiisyo kale laga soo maleegay, hantidii qarankana lagu bixinayo, balse waxaan hubaa in uu ka badbaadi doono isku daygaas oo uusan cago badan lahayn ” Ayuu Ku Soo Qoray Bartiisa Facebooka.

” Go’aankii u danbeeyey ee ku saabbsanaa shirkadda DP world ee golaha shacabku gaaray illaa iyo hadda lagama soo dhoweyn xafiisyada sare, mana aysan caddeyn mawqifkooda go’aankaas ku aadan,

Hawlihii golaha shacabka oo la isku dayayo in golayaal kale ay la wareegaan iyo abaabulka ah in la isku mashquuliyo dhexdiisa waxey ka marqaati kacaysaa in la doonayo in kaalinta golaha shacabka meesha laga saaro ” Ayuu Yiri Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi