Xubnaha Aqalka Sare Oo Maalintii Labaad Ka Doodaya Arinta DP World

0

Xildhibaannada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maalintii labaad ka doodaya xeerka Dhowrista Gobonimada iyo midnimada Umadda Soomaaliyeed.

Ka Doodista Xeerka Dhowrida Gobanimada iyo Midnimada Gayiga Soomaaliyeed Ee kasoo Gudbay Golaha Shacabka , ayaa shalay golaha Aqalka sare kulankoodii kuso dhamaday is fahan la aan.

Xubnaha Aqalka sare ku matala maamul goboleedyada dalka  ayaa looga fadhiyaa in ay falanqeyn kadib ama uu go’aanka ku raaco golaha shacabka ama ay ka horyimadaan.

Dooddii shalay, arrinta xeerka DP World oo aad u kulul ayaa soo gaaray illaa salaaddii duhur, iyadoo salaadda kadibna hadane la bilaabay doodda, markii waqtiga dheeraadana la isku afgartay in maanta la sii wado, saacadaha soo socdana laga sugayo go’aanka xildhibaanada Aqalka sare ee dalka.

Xildhibaanada ayaa intooda Badan ku kala qeyb samay arintan la xiriirta shirkada Dp world.

Saacadaha soo socda ayaa laga dhuur sugayaa go’aanka xildhibaanada Aqalka sare ee dalka