Kismaayo:(AGGM) Maleeshiyaadka Kooxda Raas-kambooni ayaa Xabsiga dhigay Wakiil Wareedkii Warbaahinta Qaranka ee Magaalada Kismaayo Aadan Max’ed Salaad (Aadan Kismaayo).
Wariye Aadan Kismaayo ayaa lagala baxay Gurigiisa oo ku yaala Xaafada Aargada ee Magaalada Kismaayo.
Ehelada Wariyaha ayaa Allgalgaduud u sheegay in Maleeshiyaadka Raas-kambooni ay si xoog ah ku wateen Wariye Aadan Max’ed,kadibna ay Xabsiga Dhigeen.
Warar hor dhac ah oo ay heshay Allgalgaduud ayaa sheegaya in Wariyaha ka howlgala Warbaahinta Qaranka uu Sameystay Ilaalo si uu iskaga ilaaliyo Maleeshiyaadka Kooxda Al-shabaab,maadaama uu u shaqeeyo Radio Muqdisho iyo TV.ga Qaranka.
Xariga Wariye Aadan Kismaayo ay u geeysteen Maleeshiyada Raas-Kambooni ayaa u muuqata in ay Jirto Wada Shaqeyn Shabaab iyo Axmed Madoobe.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com