Akhriso:-Natiijada Kulamadii Juxaa uu Garoowe Kula Yeeshay Qaybaha Bulshada iyo Xilliga uu Musharxanimadiisa Shaacinayo

0

Wasiirkii hore ee wasaaradda arrimaha gudaha dowladda Soomaaliya, horayna u soo noqday wasiirka waxbarashada ee maamulka  Puntland ayaa maalmihii ugu dambeeyey magaalada Garoowe kulamo kula qaadanayey qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah ee Puntland.

Cabdi Faarax Siciid (Juxaa) wuxuu kulamo la qaatay Isimo, siyaasiyiin, waxgarad, dhalinyaro, haween iyo xubno kale oo matalayey bulshada rayidka ah ee kunool magaalada Garoowe, isagoona kala hadlay arrimaha horumarinta guud ahaan deegaamada Puntland.

Dhinacyadii uu Garoowe kula kulmay ayaa Juxaa ku ammaanay shaqadii wanaagsanayd ee uu soo qabtay mudadii uu ahaa wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya iyo qaabkii uu dhidibada ugu aasay hanaanka waxbarashada Puntland.

Qaybaha bulshada ayaa siyaasigaan ka codsaday inuusan ka daalin shaqada uu u hayo dalka, waxaana ay ka codsadeen inuu u tartamo xilka madaxweynanimo ee Puntland doorashada dhacaysa sanadka 2019 bishiisa 1aad.

Dhanka kalena, Juxaa ayaa booqday xarunta wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Puntland iyo garoonka cusub ee diyaaradaha Garoowe ee General Maxamed Abshir oo uu xog waraysi kula yeeshay mas’uuliyiin iyo shaqaale kala duwan.

Juxaa oo safar ugu kicitimay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa lafilayaa inuu dhowaan ku dhawaaqo inuu u taagan yahay xilka madaxweynenimo ee Puntland.