Deg Deg:Ciidamada Dowlada Oo Gacanta Ku Dhigay Gaari Laga Shakiyey

0

Ciidamada amaanka dowlada soomaaliya ayaa caawa dagmada C/casiis ee gobolka banaadir ku qabtay gaari ay uga shakiyeen inuu ku raran yahay hilibka bani’aadamka

Ciidamada booliska ayaa iminka gaarigaasi oo noociisu yahay deyno gacanta ku haya,waxana dadkii watay ay tilmameen in hilibka gaariga saaran uu yahay mid ka soo halaabay ciidamada Amisom gaar ahaan kuwa ku sugan Gobolka shabeelaha dhexe,isla markaana ay iyagu damacsanaayeen in ay hilibkan u iib geeyaan suuqa dagmada xamar weyne

Hilibka gaariga saaran oo ah mid aad u qurmay isla markaana urtiisa la dareemayo ayaa waxaa hada lagu hayaa baaritaan, waxana lagu baakimay ilinka saldhiga bari ee muqdisho

Arintan ayaa ku soo aadeysa xili shalay uu qarax ka dhacay muqdisho,waxana feejignaan dheeri ah waqtigan muujinaya ciidamada dowlada oo baaritaano xoogan ku haya gawaarida caasimada soo galeysa iyo kuwa ka baxaya.