Muqdisho (AGGM): Shacabka ku nool Magaalada Muqdisho ayaa aragtidooda ka dhiibtay qaadashada kaararka muwaadininimada iyo warqada dhalashada oo madaxda dalka ay ku baaqeen in la qaato.
Qaar kamid ah shacabka Muqdisho oo maanta la hadlay Idaacada Risaala ee Magaalada Muqdisho, ayaa waxa ay siyaabo kala duwan uga hadleen qaadashada kaarka wadaninimada.
Waxa ay sheegeen inay wanaagsan tahay qaadashada sharciga, balse su’aasha ayaa waxa ay tahay sida shacabka ay sheegeen in xilligan aysan suuragal aheyn qaadashada kaark aqoonsiga wadaninimo.
Dowladda Soomaaliya ayeey sheegeen inaysan gacant akuwada hayn Magaalada Muqdisho, oo suuragal ay tahay in qof Gobal Shabaab ay maamulaan ka yimid haduu qaato in lagu dilo ama lagu dhibaateeyo.
Waxyaabaha kale ee dadka ay cabashada ka muujiyeen ayaa waxa ay tahay lacagta lagu qaadanayo kaarka iyo warqada dhalashada, oo ay sheegeen inaysan awood ulaheyn dadka inay qaataan kaararkaasi.
Badi Bulshada waxa ay sheegeen inaysan awoodin lacagaha kaararka lagu qaadanayo, maadaama dadka intooda badan ay yihiin xoogsato biilkooda raadsado.
Cabashada ugu badan ayeey dadka ku muujiyeen inaysan wada awoodin lacagaha lagu qaadanayo kaarka aqoonsiga iyo warqada dhalashada.
Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ayaa shalay xariga ka jiray xarunta waaxda dad-dhigida Dowladda hoose ee Gobalka Banaadir oo kaarka muwaadininimo iyo warqada dhalashada laga qaadanayo.
Halkan Guji Kuna Dhageyso Mobilkaaga…
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com