Muqdisho (AGGM): Falaagada Argagixisada Ah Ee Al-Shabaab ayaa faah-faahin ka bixiyay weeraro ay sheegeen inay ku qaadeen deegaano ka tirsan Gobalada dalka Soomaaliya oo ay ku sugan yihiin ciidanka Dowladda federaalka Soomaaliya.
Afhayeenka dhanka howlgalada maleeshiyaadka falaagada Al Shabaab Cabdi Casiis Abuu Muscab ayaa ugu horeyn sheegay in habeen hore ay weerar culus ku qaadeen goob sida uu sheegay ciidanka Dowladda federaalka Soomaaliya ay utaalay isbaaro oo gaadiidka lacago looga qaadi jiray.
Dagaal ka dhacay xaruntaasi ay ciidanka ku sugnaayeen, ayaa wuxuu sheegay inuu ka dhashay khasaaro kala duwan oo soo gaaray ciidamada Dowladda federaalka Soomaaliay ee dagaalka ay la galeen.
Ciidamo ka tirsan AMISOM oo iskudayay inay usoo gurmadaan kuwa Dowladda ayuu sheegay inay iyagana dagaal culus la galeen, maadaama sida uu yiri goor hore ay ciidanka Shabaab usii diyaargaroobeen gurmadka AMISOM sidii ay ku wiiqi lahaayeen.
Weerar kale ayuu sheegay inay ku qaadeen deegaan ka tirsan Gobalka Shabeelaha hoose oo lagu magacabo Ceelgafuur oo ka tirsan deegaanka Lafoole ee Gobalka Shabeelaha hoose, waxaa halkaasi fariisin ku leh ciidanka AMISOM oo uu sheegay in khasaaro xoogan ay gaarsiiyeen.
Isaga oo sii hadlaya afhayeenka falaagada Shabaab, wuxuu kaloo tilmaamay in weerar kale ay ka geysteen Gobalka Jubadda hoose, gara ahaan halka loo yaqaan Qooqaani oo ka tirsan Gobalkaasi khasaarana uu ka dhashay.
Ugu dambeyn Magaalada Garbahaareey ayuu sheegay inay ku weerareen ciidanka Milateriga Itoobiya oo khasaarooyin kala duwan ay ugeysteen, afhayeenka ayaa waxa sidoo kale uu aflagaado aan geed loogu gaban u geeystay Calanka Soomaaliya.
Halkan Guji Kuna Dhageyso Mobilkaaga…
Dhageyso Warbixinta Falaagada Al Shabaab
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com