Aqoon yahanad ahna Siyaasiyad kasoo jeeda beesha Sade ee Gobalka Gedo ayaa sida ay xog dhab ah ku maqashay waxay UN Refugee Agency oo ah hay’ada qaxootiga qaabilsan u diraysaa fariin baaq ah oo ku saabsan Qorshe UN ay ku damacsan tahay inay soo dul dajiso qaxooti dhan 20 kun oo qoys oo kasoo jeeda gobalada Bay iyo Bakool Degmada Luuq Ganaane ee Gobalka Gedo.
Luuq Ganaane!
Aqoon yahanadan ahna Siyaasiyad can ah ayaa ayadoo ku hadlaysa Magaceeda, magaca beesha SADE, iyo bulshada degan Degmada luuq ugu baaqaysaa UN Refugee Agency inaysan marnaba ku hamin qorshaha qaldan ee ay ku doonayaan inay soo dul dajiyaan dad kasoo jeeda Bay iyo Bakool oo dhan 20 kun oo qoys degmada Luug ee Gobalka Gedo.
Siyaasiyadan ahna aqoonyahaned waxaa waxay ugu baaqaysaa Dawlada Federalka ee Somalia, UN iyo Ururka Qaramada midoobey inay ka fogaadaan waxa dhibka ukeeni karo umada Somaliyeed. Arinkana waxaan u aragnaa inuu yahay mid kasoo horjeeda nabad soo dabaalida umada Somaliyeed meelkasta oo ay joogaan hadii ay UN go’aanka qaldan ee ay ku damacsan tahay inay dad aan u dhalan deeganka ay soo dul dajiso.
Arinkan oo ay salka kawadaan siyaasiyiin kasoo jeeda Kilinka Shanad, Bay iyo Bakool Sida xogta dhabta ah aan ku maqalneyna Hogaanka Jabhada Raaskanbooni ayaa u sixiixay go’aan kan qaldan ee ay UN Refugee Agency ku damacsan tahay dib udajintan tiradaa qaxiitiga ah oo la dulgeeynayo degmada Luuq ee Gobalka Gedo ayagoo deegaamadoodiina ay banaan yihiin oo ay gacanta ku hayso Dawlada Somalia iyo Cidamada AMMISON.
Waxaan aamin sanahay in deegaanada Bay iyo Bakool ay tahay meel amni leh oo ay gacanta ku hayso Dawlada Somalia iyo Cidamada AMMISON Hadii aysan jirin qorshe gaar ah oo UN iyo cidii kale ee kadanbeysa qorshahan noocaas oo kale ah inaysan u soconeyn oo ay indhahoodu furan yihiin Dhalintii, Wax garadkii, Aqaoon yahaniintii, Culumadii iyo waliba Haweenkii dhaman Beesha Degta Gobalka Gedo ee lamagac baxdey Bessha SADE Mareexan.
Waxaana marka 1aad, 2aad, 3aad, leenahay go’aankaas waa go’aan qaldan ee ka UN haka fiirsato.
Cidii ku fikiraysa inay ka rido qalalaase ama dhib ka abuurta Gobalka Gedo waxaan u cadeynaynaa inuu yahay Fikir aad u qaldan Fikirka noocaa ah. Lana kulmi doonaan Falal Aysan Ilaawin Taariiqdooda.
Gobalka Gedo ee ka kooban Todobada Degmo (7 ) Sida Luuq, Buurdhubo, Baardhere, Doolow, Beled Hawa, Gerbaharey, iyo Celwaq; Maahan wax ay UN ama Umad kale oo kasoo jeeda Gobalada Kale ee Somalia ka tashan karaan danaha iyo danta guud ama gaar ahaaneed ee Gobalka Gedo Degmooyinkiisa Ma jirto Mana dhici karto.
Somaliya maantey Sharciya u yaala ee kumeel gaarka ahi wuxuu cadeynayaa Gobaleysi Nin walbana Gobalkiisa waa inuu ka Fikiraa kana Tashtaa. Gobalka Gado waxay u taalaa tashigeeda Beesha SADE Waxaana hadii alle idmo rajeyneynaa inaan kulan ay ku dhan yihiin Besha SADE ka dhici doono Degmada Beled Hawa Sanadka Cusub Bishiisa 3aad hadii alle idmo waxaana fileynaa inay isugu yimaadaan dhamaan wax garadka, aqoon yahaniinta, dhalin yarada, culumada iyo waliba haweenka oo ay ka wada tashtaan danahooda qaaska ah iyo xilka kasaaran dadkooda iyo Gobaladoodaba.
Inshaa allahuna Shikan waxaan fileynaa inuu noqdo mid soo dabaala nabad iyo hurumar wanagsan si ay wax ula qaybsadaan ama ugu daydaan bulshada inteeda kale.
Ugu danbeyntii Aqoon yahanadan ahna Siyaasiyad can ah waxay ugu baaqaysaa iyadoo ku hadlaysa “united voice” Codkeeda, kan Beesha Sade meel walba oo ay joogaan caalamka inay UN Refugee Agency iyo dadka sida qaldan u fikireyba In qorshaha ay ku damcsan yihiin dib udajinta qaxootiga ay geeyaan deegaamadooda aysan iska dajin deegaan aysan kazoo jeedin qaxootigaas. Sida ay hada ku damacsan yihiin inay barakiciyaan umad dhan oo degan deeganka Gobalka Gedo ay ka fiirsato dadkana ay u jihayso deegaamadoodii Bay iyo Bakool ayadoo eegaysa Maslaxada umada Somaliyeed.
Qoraaga: Dr. Zainab Sheikh (Gaadokaroor)
swda@hotmail.com.au
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com