Dhageyso:Afhayeenka Ciidamada AMISOM Oo Sheegay Inay Labo Jibbaarayaan Dadaalka Xoojinta Ammaanka.

0

Cali-Aadam-XaamudMuqdisho (AGGM): Afhayeenka ciidanka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM Cali Aadan Xaamud oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in AMISOM ay xaqiijineyso ammaanka, ayna sii wadi doonto dadaallada billowga ah ee nabadda iyo horumarka ee ka socda dalka.

Xaamud ayaa tilmaamay inuu ka xun yahay dagaallo ka dhacay deegaanno ka tirsan dalka oo ay dad shacab ah ku dhinteen.

Wuxuu xusay in AMISOM ay had iyo jeer garab taagan tahay shacabka, islamarkaana ay ka go’an tahay xaqiijinta nabadda iyo horumarka Soomaaliya.

Dhinaca kale wuxuu soo dhoweeyay ciidamo ka tirsan dalka Jibuuti oo lagu soo kordhiyo AMISOM, gaar ahaan kuwa ka howlgala gobolka Hiiraan.

Halkan Guji Kuna Dhageyso Mobilkaaga…

Dhageyso Afhayeenka AMISOM

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com