Muqdisho (AGGM): Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan
Soomaaliya Nicholas Kay ayaa cambareeyay qaraxii maanta ka dhacay degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho.
Kay ayaa barta uu ku leeyahay Twitter-ka ku qoray: “Waxaan ka naxay qarax kale oo waxuushnimo ah oo Muqdisho ka dhacay, markaan wuxuu ka dhacay degmada Dayniile.”
“Waan cambaareynayaa falkan axmaqnimada ah. Soomaaliya iyo Soomaalidaba waxay mudan yihiin sidan si ka fiican.” ayuu yiri.
Toban qof oo isugu jirtay dad rayid ahaa iyo ciidamo ka tirsanaa kuwa dowladda ayaa ku geeriyooday qaraxa, iyadoo ay sidoo kale ku dhaawacmeen dad aan tiradooda rasmiga ah la haynin.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com